VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Webiyo isku ooman - Lyrics

Jacayl waa wadkaagoo
Warma kuu afaystoo
Waabay qadhaadiyoo
Sunuu kuu walaaqiyoo
Weel kuugu shubaayaa
Dadka weli horjoogaa
Wuxuu dilo u sababoo
Qiyaamaha la weydiin

Webiyo isu oomani
Inay wacatameynoow
Waayo badan is dooneeyn
In loo kala waramiyoow
Wacdi la isu sheegiyo
Waano lagala quustay
Goortey is waayeyn
Isu waalan gaareyn
Weligiin ma maqasheen

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha aduunkee
Weydiiya culimadda

Inay weer xidheenoo
Biyo weyraxeenoo
Wadamo isu jidheen
In la waabin waayoo
Iyagoo wareer qaba
Isu soo wareegeyn
Oo wanaag kalgacalow
Wey isugu yimaadeeyn
Weligiin ma maqasheyn

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha aduunkee
Weydiiya culimadda

Inuu caashaq wadayoo
Is waraabiyeeynoo
Xareedii wadageeyn
In ay wehel is jeceloow
Wadnaha isu dhiibtoo
Wadajidha noqdeeynoo
Wada qura mareeynoo
Kala weycan waayeyn
Weligiin ma maqasheeyn

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha aduunkee
Weydiiya culimadda

Lyrics by: nurkaafi

Queue is empty
-- / --