VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naxli - Lyrics

naxli caashaq waayadan muxuu igu nastaayoo naftaydii lugooyoo intuu nadiga ila dhacay ii damqaa sidii nabar intuu naara iga shiday i iga dhigay sidii nugul aan la nuuxsan waayee nabsi kama baqayside rabaa kuu nimceeyee haday nudubta feedhuhu kalgacaylka nuugaan saw kama nabtaadeen naxli caashaq waayadan muxuu naafo iga dhigoo naawilaada awgaa ila tahay naruuriyo naalada aduunyada siduu yahay naq roobaad muxuu igu nagaado cidlo noogay kaligay nabsi kama baqayside rabaa kuu nimceeyee haday nudubta feedhuhu kalgacaylka nuugaan saw kama nabtaadeen
Queue is empty
-- / --