VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Asma - Lyrics

Aasmaay daa'uus la mood daraan dare dhaayihii dukhriga kuu eegayoo Dareemey markey arkeen indha deerada ahee Sida dahab maar ku jira ama dab la shidey habeen dadkey ka dhex muuqatee allow ka du il daran Waxaan kuu daba socdaa hadaan aqal deyr laheyn ogow daadkaa u gala Waxaan kuu daba socdaa hadaan raggu dumar laheyn dibjir buu noqon lahaa Asmaay daa'uus la mood dabeecada fiicaniyo badh weeyaan diintuyoo Waxaad tahey ruux duniyo dulqaad meel loo dhigee Hadii dunidaba dhamaan dumar isu qurux dhigtaan ileyn dayax baad tahee adaa lagu daawan laa Waxaan kuu daba socdaa hadaan aqal deyr laheyn ogow daadkaa u gala Waxaan kuu daba socdaa hadaan raggu dumar laheyn dibjir buu noqon lahaa
Queue is empty
-- / --