Quick links

codkii Hassan A Samatar heesta Axadii   Dajiso 198.1K Keedka:

Fikradaada ka dhiibo heestan

Axadii lyrics

Waa la ii addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee

Lyrics by Masuul.com

Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd

Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee ***

Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsoon tahay,

Indhahaa habeenkii
Ku ilaalinaayo
Dhammideed aduunyada
Afarteeda waxyood
Hadba gees u eegoo

Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysee
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kolla oofin maysee

Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkee

Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.

Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ilaa xidhoon
Ku ag daadiyoon
Weheshada idhee

Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Bal sideey ahaataba,
Laba eeftay caawee,
Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aayee
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay?

Lyrics by: Xasan Cabdi Xasan