VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balaan kula dardaarme - Lyrics

sahra Axmed Dawadii nafteydoow balaan kula dardaarmee dabuubtaan ku leeyahey ku daabaco qalbiga oo waligaa hasii deyn duushayee allow nabadey qoraxduna dalaalimo ee caashaqana daadihi waliga hasii deyn Xassan Adan Darmaan taan jeclaayey balaan kula dardaarmee dantu wada jir weeyee docdaada yey ka beylihin anna teyda igu daa dunida oo barwaaqa ahey dalka nabad ku sii joogee caashaqana daadihi waligaa hasii deyn Sahra Axmed Dayaxii iftiimow balaan kula dardaarmee dumarkana adoo kale ta heshaa ma deysee dookhaaga ka adkow duushayee allow nabadey qoraxduna dalaalima ee caashaqana daadihi waliga hasii deyn Xassan Adan Deymada u rooney balaan kula dardaarmee kuwa loogu dow-galey labadii is doortee kala dila dadka is jecel ayaaney isku keen dirine dunida oo barwaaqa ahey dalka nabad ku sii joogee caashaqana daadihi waligaa hasii deyn
Queue is empty
-- / --