VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baladweyne allahayow - Lyrics

Bi'i waa jacaylow Boodhari inuu diley Been baan u haystee Bi'i waa jacaylow Boog aan la dhayinoo Cidi baanan karino Beerkiyo wadnaa iyo Bogga kaaga taalliyo Inuu yahay bir caashaqu Been baan u haystee Webigoo butaacoo Beeraha waraabshoo Dhulka baadku jiifoo Dhirta ubaxu buuxshoo Canabkii bislaadoo Badarkiyo galleydii Laga tuuray baalkoo Bulladiyo ciyaaraha Lagu waa bariistoo Beeluhu gu' joogaan Sow beri-samaadkii Beled Weyne maan tegin Dhanka bari magaalada Sow boqorad joogtoo Biyo dahab la moodoo Cilicdii haweenkiyo Bili loo dhameeyoo Timo boqonta joogoo Baal gorey la moodoo Baarkana casaankii Bidix midig is gaadhoo Bul-cad lagu xiddeeyoo Badh ku xeexanaysoo Barkanaysa qaaroo Huwanaysa baaloo Igu beertay lahashoon U buseelay maan baran Sow goor barqa ahoo Bishu ay siddeed tahay Aniga iyo Beer luli Isku maannu soo bixin Sow bariidadaydii Iyo bedashadeedii Buundada ciyaartee Beled Weyn ku taallee Biyo lulata guudkood Badhtankeeda maahayn Sow bixiso weeyee Ballan maanu dhiganoo Beeri joog imay odhan Sow bayd go'aygii Layguma bushaareyn "maantaa la baxayaa bulshadii imay odhan" Sow waa bastey oo Socod beegsan maayee Ina baaja caawoo I baxnaansha maan odhan Sow taliye baasoo Ba'anoo war-moogii Taydii ma beenayn Sow badiba kooxdii Goortay badheedhee Baabuurki fuulleen Anna baal kamaan korin Boholyow daraaddii Sow baraq nuglaantii Belo lagu ducaystiyo Baryo kumaan maqnaynoo "Biri may xumaatoo batroolka daadshoo ka wadaa bukoodoo bogsan waayo" maan odhan Sow beriga waagiyo Barqo kulul dhexdoodii Geed baaxad weynoo Dherer iyo ballaadh-loo La yidhaahdo Baaroo Bilig dheer hirkiisii Ma bidhaan sanaynoo Bulxankiisa yeedhiyo Ma maqlaynin baaqii Sow baaxad soorii Iyo laba boglayntii Maan noqon bestey oo Bacadkii ma dheelliman Sow galab-baqoolkii Annagoo barwaaqiyo Meel baadle joognoo Tumanayna Beerrey Sow maan baraarugin Riyo beena weeyee Sow baalla daymii Baabuur lalaahyood Haad baalle mooddoo Fananaaya buur dheer Isma odhan ka boodoo Nafta sow ma biimayn Nin Banaadir joogoo Beled-Weyn la haystoo Waxaan ahay la baabee Sow baadi doonkii Weli baafi maan ihi Beled-Weyn Allahayow Ka dhig xiro badhaadheed Beerlula Allahayow Belaayada hareer mari Beled-Weyn Allahayow Ka dhig guri barwaaqeed Beerlula Allahayow Beryo samo ku noolee Beled-Weyn Allahayow Ka dhig beerta raaxada Beerlula Allahayow Ka barii wax yeellada.
Queue is empty
-- / --