VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cinda nuuriyaa - Lyrics

cada sooo baxdiyo caadiyo hilaac cirkoo halalac yidhi ubax ciidhayiyo nuuriyo cidlaa cayn caynahoo inta dalag camiray cara samii ku yaal cosob iyo ugbaad calafiyo sunbaax raays iyo camuud caydhiina wali cidhiifyada dusha iyo caska daadagana cidna daaqinoo cag la saarin wali cayadi baxdiyo geed culaanyadii caaradii ku taal cimiladuna tahay nabad caama oo wax la caalufiyo cudur iyo dugaag cabsi looga qabin carad doogsato wali curashadiyo cirku dananayoo biyuhuna ca tagay ceegaagsameen sida caynadaa adigaa casiis cawo samiye muuq sharaf lala cajabo inta kuu cayimay caawadaa dagee cindi nuuriyaay cadceed dhallateey naftii ku calmataa wali ku codsatoo cagtaad daalisaa calaf kugu sugtee caashaqa daweeyoo calool samidu waa dane ha halmaamin caadadaa
Queue is empty
-- / --