VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhoof caashaq - Lyrics

Jacayl aan dhamaanbaa Dhexda iigu maranoo kii hore ayaa i dhaawacay kanna way igu dhaafee Dhabuhuu ka foofiyo Dhib u qaad miyaan ahay Dharaaraba waxyaablaa igu soo dhacaayee Allahayow dhib badanaa adoo dhoofey caashaqa dhul shisheeye kaa heley Waaban soo dhaqaaqee dhiiranaa il adaga dhabaha yuu lasoo marey dhawr habeen dayaaradi meel ay udhixi buu dhakhso iigu yimide dheereeye maxaa side Waxa kaloon la dhaygagay koron korta dhirteedii dhulkoo hodon ah geedaha dhayntiyo canba is xidhey kayn libaax ilmaha dhigo anigoo ku dhuuntuu igasoo dhex saaree dhaayihiisu furanaa ma dhal awliyaadbaa Hurdo miyaan dhakoolaa dhan markaan useexdaba soow dhool la moodii dhabta anoo ku heeysta kuma soo dhadhabayoo dheelalow ma soo kaco Soomaaliya Dhankeedii Dhawaq farax leh mooyee Dhiilo kama sugaayee Allahayow iyadoon dhiman Dhaban quruxsan oo ladan Kalgacaylkii dhicin waliba dhir sii korey dhulkiiyoo barwaaqaa dhamaantayo na nabad gee
Queue is empty
-- / --