VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haadba haad kici – Kaban - Lyrics

Halalacda iyo muuqii indhuhu waxay u haysteen dayaxoo hogisii ka so baxay hal badhkeed Shucaacoo higsanayeey ma aday i hortaagnaa Hiyiga udgoon kan haqalka ula sara kacay ay moodey himiladu goor hiimse hiimse ah hawd iyo ka yimid bari misna ma adiguu ahaa Haadba haad kici haybadaad u noqataye hodan baad ka tahay qurux hamano waa tan kugu ladhan heliskana nasiibkey Waqalkii harqanayee hara waa tigaad jaro aan ku hubsaday fad habeen da'ayaa Ku haloosiyaaye hilaaciina ma adaa Higilkana madawgii isa soo hadoodilayee Ma timahan haldhaagee halaf saday daruurtiyo dabayshaa hirdamayoo hirgina ma adiguu ahaa Hadba haad kici haybadaadu noqataye hodan baad ka tahay qurux hamano waa tan kugu ladhan heliskana nasiibkeyee
Queue is empty
-- / --