VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maalmaha qaloocaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan A Samatar
Maalmaha qaloocaa

Maalmaha qaloocaa
Hadii ay kaa marooraan
Waa muraayad waayuhu
Caashaqu ka muuqdee

Marbaan sida mayeedhaan
Mudo aamusaayoo
Isha midhiq ka siiyaa

Mar waxaan idhaahdaa
Siday tahey mar curad geel
Ilmii mawdku kal tagey
Maqaarsaarka ciidaa
Yaa maali jirayeey

Marbaan mawjadaha dheer
Maaxaa dhexdoodoo
Muuqeyga la arkaa
Laakiinse aan maqanahey

Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Ma huraan dhulkeeniyo
Ayan manta ka horow
Ma higaanku igu dhicin.

Waayaha ma duugaa
Hadii uu kaa madawyahey
Waa uguryo deebaaq
Caashaqa martiyayee

Marbaan mudanta ciida
Cadaw iga magoodiyey
Muragadeeda la ooyaa

Mar waxan idhaahdaa
Rag naftiisa mooyee
Maaree dhibaate
Mintidoo is diidsii
Muhashana sidkaa filo

Marbaan malaha beentaa
Muuq maryo u xidhey
Maaweeliyaayoo
Laakiinse ay maqantahey

Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Muharaan dhulkeeniyo
Ma naxaanka caashaqa
Ayaan manta ka horow
Mahuraanku igu dhicin

codkii Hassan A Samatar