VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidirgam old - Lyrics

goodkiyo abeeskoo goco maale aaroo wiishaa gadoodee geeska rayska galisaay geridu haldhaagoo galawgiyo shinbirahaw garasho seed u leedihiin caashaq ma idin galay laba gacal ahaayoo kala gooyay waayuhu gargaar ma u taraysaan ma isu gayn karaysaan galaangooley geesbay barataye sidirigam haday gabadh tahay anaa gaye ee hadii aan go'doomoo gaadhi waayay taan rabay garbay noqotay caashaqa inaan daba gurguurtee xagan gabi xaguna gabi gudcur daaha soo rogay gaashaan qaad habaabiyo gulufoo dhulka u siman gurmadkaygu weeyoo geedahaan ka baqayaa goormaan socdaa xageen gaadhi karayaa aduunyadan galgaladkee gaafaha nabsigu wado ragbaa goor xun waligii gabo gabo fadhiistee in kastoo la gaadoo laga gacan sareeyo geesigu ma liicee gam'i maayoo ruuxii goob aboodi seexdee gaariya ninkeedaa yaa gayaan jecel gogoshoo yaqaanaa
Queue is empty
-- / --