VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jeel - Lyrics

Inuu caashaq jeel yahay Jirrab iyo kadeed yahay Jahannamo la shidayoo Laga joogi karin yahay 2x Ka jaawaabay aniguye Maxaa looga jeedaa Ma jaboo ha dhiman baa Ma aakhiro u jiidaa Ma jannadii Fardawsoo Jidkeedii la helay baa Maxaa looga jeedaa 2x Inuu caashaq jibin yahay Jug aan cidi arkayn yahay Wax jaraba naftaadoo Jiniga u ka daran yahay Inuu caashaq jibin yahay Jirab iyo kadeed yahay Wax jaraba naftaadoo Jiniga u ka daran yahay 2x Ka jawaabay aniguye Maxaa looga jeeda Ma haraad u joog baa Ma sariirta jiifbaa Ma jawharad hilaacdoo Indhaha iiga raysaa Maxaa looga jeeda? 2x
Queue is empty
-- / --