VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aduunyada nin dhoofiyo - Lyrics

Adduunyada nin dhoofiyo Ninkii deggan dhulkii hooyo Nin dhargiyoo Nin dhoowr qaday Aan dheef hayn Dheddigiyoo laboodbaa Hawlii kama dhamaatee Qof welibaa wixiii dhibay Dhafoorkeey kutaallaa Anna dhaawacaygii Jacayl dhidibta aastaa La dhaleeliyaaye Jacaylkeedu dhuuxiyo Lafaha wuu u dhaadhacayee Dhulkoo doog Dhiriyoo ubax Dhammaan ekeeyeen Dhawristeeda oo qura Ayaan dhoowr uqadayaa Weli dhaban mid kula midaa Kuma dhalanin adduunkee Anna dhaawacaygii Jacayl dhidibta aastaan La dhaleeliyaaye Anba kuguma dhaafeen Haddeey taadu dheelidoye Maxaa dhacay dhankaageey ujiiftaa Dhaliiishuyeee Ma dhiiradoo nimaan garab Wax lagula dhisayneee Nafta dhool hillaaciyo Dhibicbaa u muuqdee Anna dhaawacaygii Jacayl dhidibta aastaan La dhaleeliyaaye.....
Queue is empty
-- / --