VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balanteenu waa shaqo - Lyrics

Beelaha aduun yada bariyada ku kala nool qaar baahan baa jira boqolaal kun oo sano aan badalin qorshahoo basan baas ku noolaa afrikaba ha u bad naatee x2 Baadka iyo xooluhu ay ku badan yihiinoo bidix midig biyuhu ay socdaanoo badh tamaha wabiyaal burqanayaan bar waaqada dhulkooda u bareeri waayoo baahiyo ku qaba silic oo baa ba'aa jira x2 Qaarna waxay banaysteen buuraha dushoodoo dalagyo ay ku beerteen x2 Howl loo bareeriyo muruq laysku biirshaa mabda'a lagu baleeyaa x2 Birta inuu ka adag yahay ku qoreen buugaagtoo ubad kooda barayaan barwaaqana ku gaareen ku gaareen barwaaqana ku gaareen x2 Aan idiin bayaanshee bu'da hadalku wuxuu yahay soomaalaay baraaruga howsha u bareeroo lasoo baxa barwaaqada dahabka iyo biraha beerahana tabcada x2 Cid kale waxaad ka baridana baahi kaama goysee Balanteenu waa shaqo Balanteenu waa shaqo x2 Biyo sacabadaadaa looga oon baxaa Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2 Beelahoo israaciyo midnimadoon ku baaqnaa Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2 Boqol sano midkii jiray bucushaaga buuxsamay gar madoobe aan baqin dhalintooy is biirsoo x2 Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2 Si aan bugtada iyo baahida iyo oonkiyo jahli uga baxnaa x2 Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2 Midka dhaga barjoobee qabiilka ay ku baahsheen si uu uga bogsoodoo uga baxo xumaha x2 Balanteenu waa shaqo balanteenu waa shaqo x2
Queue is empty
-- / --