VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubaas baxay - Lyrics

Ubaas baxay naftayda aanaa ubaas baxay Badween anigaa isku tuuray Gayaankee anaa ka beeray Ma fiirsaday barako mooday Anaa booraanta hadimada bareer cad anaa ugu leexday Baas adigu igu dhigay bahdeeda adaa utagay Ninkii bashimaha ka tiray Gabadhu Boyli bay ahayd Boos ?? Bal eega! siduu ruuxu ii bahdilay Haduu ii baaadi goobayaa Inaan Buug kale ufuro Malaha wax kaloo ibiday Jacayl buuxoo barbeen Barwaaqo iyo baraar wacan Naftayda ku baaqi tahay Maxuu boholyowga yahay Ka baxay waan Baabkii hore waa kabaxay Waxaa ii kaabadalay Jacayl buuxoo barbeen Barwaaqo iyo baraar wacan Naftayda ku baaqi tahay Maxuu boholyowga yahay Anoon badineen hadalka Adoon iilaba bogleen Adoon boorka isku qarin Ka baxay sidaan beri ahaaa Buulada lugta bidix ka jaameey Bal eega! siduu ruuxu ii bahdilay Haduu ii baaadi goobayaa Inaan Buug kale ufuro Malaha wax kaloo ibiday
Queue is empty
-- / --