VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Babaygii Jamaame ft hibo - Lyrics

Babaygii jamaamiyo Canbe jilib ku yaallaay Ubixii jannaaliyo Jowharad la moodyeey Jidhkaagaa udgoon baa Isoo jiidanaayee Wadnahayga jeexdee Jeegaan sideedaan Hay odhan jawaab xumi Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa °°° Jeertaa gadoodo Jirifka iska kicisee Ruuxii hor joogsada Howl yari ku jiidhee Sida jiir dhallaan helay Ha jirrabin naftaydee Waxaan kaaga jeedaa Jinow inaan wadaagnee Qarda jeexa iga daa Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa °°° Jamaal qurux wanaageey Jalleecadaan ku eega ba Jacayl igu abuurmoo Kaa jeesan waayee Xageed iga jiraysayoo Jihadee baad ku noolayd Jeexaygii midigeey Jidka laysma taagee Jinoweey isoo raac Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa °°° Haamadayga jiilaal Ruux u janjiidhayee Jiirkiyo abeesada Jilif wayn lahayd Aan soo marin jidaal Dheer Jiiftada halloosiga Ka jidhiidhicoodee Janna gale ha ii celin Calool jilicsanaantaadu Ma hal jeel ku raagaa Sideeen johoradaydaa Ciyaar ugu jajabiyaa Jiriidkaan adkaysta ba Goortuu jillow gabay Ay jamatay laabtii ....... Naftaan xadhig jibaanjiba Ku xidh-xidhay jaxaaskii .......
Queue is empty
-- / --