VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo Noqo - Lyrics

Inta saaran dunidoo dhan saygaan ka doortaan sabenadan raggan kacay sadkii aan ku yeeshoo waxaan kugu sagootiyey safar khayr leh socataye sidii roon samaayihii dhexdeena ha sii dayn saacaddii aad joogtana ku seexoo ku soo toos anna waan ku sugayaa soo noqo adoo nabad ah Samri waayey niyadaydii lagu saarey caleenkee saqda dhaxe habeenkii sahwiyey oo dhawaaqee waxaa iiba sii dheer niyo sidig ah sare taagan awgaa daraaddaa u saleshaan sasabayaa samow hadday ku weydana si ay noqonba mooyee anna waan ku sugayaa soo noqo adoo nabad ah Arag sugaha indhaheyga nuurka ii siyaadshoow sidriga iyo maanka qalbiga kii i sifeeyoo sidaan kugu illaawaa niyad sooman soo jeedda awgaa usaadineysa adigaan sasabayaa samo hadday ku weydana si ay noqonba mooyee anna waan ku sugayaa soo noqo adoo nabad ah
Queue is empty
-- / --