VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taladaan Qorsheynaayey - Lyrics

Taladaan qorshaynaayayeey Qormadaan tusmaynaayay Reerkaad u qalabqaatay Aqalkaan qotominaayay Qalay oo ka qaday noqotay Waxaan laba qadderin noqotay Labadii qof ee isjecel Naftu hadday u qaybsami Qudha kaan u bixin jiray Iga qadi nasiib noqotay Naxdintaan la qiiroodayeey Qulubkaan i haysta Ilmadaa I wada qoysay Qofba maalin soo qabatayeey Taydu se qarracan noqotay Dibinta is qaniin noqotay Labadii qof ee isjecel Naftu hadday u qaybsami Qudha kaan u bixin jiray Iga qadi nasiib noqotay Qabanqaabadii aan hayey Qarankii aan soo goostay Qalqalladii arooskayga Quruxdaan ka filanaayey Quluf lama filaan noqotay Qoomamo aan hadhin noqotay Labadii qof ee isjecel Naftu hadday u qaybsami Qudha kaan u bixin jiray Iga qadi nasiib noqotay Lyrics by Cabdillaahi C. Cige
Queue is empty
-- / --