VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qudhayda - Lyrics

Ruuxaan kaa quusan la' Habeenki kugu qarwo Qumaati u seexan karin Qalbigaa nabar oogaya Qeyrka kaa doortayo Qiyaas li'i adi ku jecel Qadarin kuu heysaba Qaadirka igu beeray anige Intanay gelin qabriga ee Aan loo qodin xabaal Qudheyda badbaadi oo Macaanow xabibii Qalbiyow wax ila qabo 2 Nafu galay caashaqu Intu quudkii ka jaray Ilmadu weli qubaneyso Jaceylkuna kugu qabiray Dhaaxaan qaxar soo maro Dhib baan kaligey qabay Nolosha ila qeybso oo Qoys iyo reer ila yagleel Intanay galin qabriga ee Aan loo qodin xabaal Qudheyda badbaadi oo Macaanow Xabiibi Qalbiyow wax ila qabo ... W.Q Fadumo Q.M
Queue is empty
-- / --