VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gabaryahay - Lyrics

Gabaryahay qurxoon heedheh Ee Qoorta dheer heedheh Afka qalin madoow heedheh Ciridkana qadda leh heedheh Labadaada qaar heedheh Dhexda qabatinka leh heedheh Goormaan qoslaynaayoo Qooys wada dhisaynaayee Qacdaan ku arkaybaa heedheh Ishu ku qabatayoo heedheh Qandha caashaqu keenay heedheh Xanuun qabatimoo heedheh Qammuunyoodayoo heedheh Waa anigaan qarqaray heedheh Goormaan qoslaynaayoo Qooys wada dhisaynaayee Qalanjaad tahoo heedheh Qiimiyo allaaa heedheh Qaaya kuu dhashoo heedheh Qaladlaad tahoo heedheh Qarnigaan ma arag heedheh Qofan kula simaayo heedheh Goormaan qoslaynaayoo Qooys wada dhisaynaayeey Qufaciyo kalgacal heedheh Lama qarinkaree heedheh Qayrkaa adaa heedheh Kaa qaayibee heedheh Waan kugu qancaa heedheh Qalbigaad degtoo heedheh Goormaan qoslaynaayoo Qoooys wada dhisaynaayeey
Queue is empty
-- / --