VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jamila - Lyrics

inanyahay jamaalkiyo jaahaaga quruxda leh jaliil uu ku siiyaa indhahayga jiitoo kama jeesan karayee markaad luqunta jabisoo jees jees u socotaba jaanta jagac ka siiisaa sidii ruux jin maraybaa jidhku ii dubaaxshaa jeeray ahaataba inaan kula jalbeebaa jeexayga noqotoo ifka jaar ku noqonaa jawaab kaa sugaayaa jamiilaay markaan jiida kaca oo aan jarmaad idhaahdaba jacaylbaa i hor yaaloo kama jiidan karayoo joog buu ileeyahee ku salcaamay jiifkoo jeegadaan u aalaa intaan juuq gabin adaan kuu jirabanahee jamiilaay wax ila qabo jeeray ahaataba inaan kula jalbeebaa jeexayga noqotoo ifka jaar ku noqonaa jawaab kaa sugaayaa jamiilaay
Queue is empty
-- / --