VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hees - Lyrics

siduu koorahiisyo iigu xidhay kabaalaha kaynaanka orodkii kaykay miyaan idhi imisaan kufoon jabay kabaabeey boogtee maantana ka kacayoo kulankeenu waa laba farxad kawsanaayee caashaqa kalkii galay kabanoo ku naaxnee noo kadab allahayoow kalgacaylka wiilyoow kuu karantimayn jiray aniguba kardiisii dhibta waan kabayduun kula qabay kartiidii siduu I kabidayoo karbashkii daraniyo iigu sugay kabuuubyada socodkaba miyaan karay imisuu I kibayee karkar igu mar celiyo kac fadhiiso igu yidhi inta goori kawkabay masoo koobi karayee caashaqa karkii galay kabanoo ku naaxnee noo kadab allahayoow kabuu kulaylka jiilaal kaliishiisa dhamacda kaymahiisa abaarsaday kal dambu ku hooro ku kafeeyay rayskii kalmadihii diraacdee kobcinaysay maalkiyo kulaylaha xagaagii karan soo hilaacdiyo karka iga goysiyo carfi soo kamkamayba kula simay iyo kaahay kalsoonida aan kuu qabo masoo koobi karayee caashaqa karkii galay kabanoo ku naaxnee noo kadab allahayoow sidaa wali karaama leh kutubtana ku xeeldheer oo diinta kor u dhigay kormihii aqoontiyo kaska nooli eexdee kartidii ragoo idil kaligiila siiyo kashka caano galayaa ligmad laguma keene kasmo waayo aragiyo kohan waa adoo kale koristeenu waa dhaqan kalsoonida aan kuu qabo masoo koobi karayee caashaqa karkii galay kabanoo ku naaxnee noo kadab allahayoow
Queue is empty
-- / --