VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhalanteed - Lyrics

Dhalanteed ma deeqdaa Dhabtu samir ma leedahay Dhaawaca ku gaadhaba Dhakso ma u dawoobaa 2× Inan yohoow dharaarahan Dhimbiilihii jacaylkiyo Iigu dhigan Iigu dhigan xasuustuyee 2× Kuu dhago nuglaadoo Ku dhadhabay kalgacalkee Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Kuu dhago nuglaadoo Ku dhadhabay kalgacalkee Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Oo ha iga dheeraan Dhado roob ma noqotaa Dhuku rays ma yeeshaa Rajadii dhamaataa Dhaxal suge ma leedahay 2× Inan yohoow dhawaanahan I dhex qaaday anoo Dhuuxana Dhuuxana ku beernidee 2× Kuu dhago nuglaadoo Ku dhadhabay kalgacalkee Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Kuu dhago nuglaadoo Ku dhadhabay kalgacalkee Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Marna ha iga dheeraan Oo ha iga dheeraan Oo ha iga dheeraan
Queue is empty
-- / --