VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hab ku soo dheh caashaqa - Lyrics

Hareerahaa nugaalbuu Igu helay jacaylkuyee Sida gee hadh weynbaan Hadhsadaa xasuustee 2× Hanadkaan jeclaayoo Holac baad i galisee Hanadkaan jeclaayoo Holac baad i galisee Waxaan hawl u soo maray Hubaal adiga weeyee 2× Hogaamiyihii kalgacalkoow Calafku waa hayaanee Naga habee dhankaagoo Hab ku soo dheh caashaqa 2× Sida halyeey aan dhalaybaa Ishu halacsataayee Hawl iyo dhiba ha badin Hoygaygii noqotee 2× Hurdo kaama lada ee Ma ii hagar baxaysaa Hurdo kaama lada ee Ma ii hagar baxaysaa Waxaan haraad usoo maray Halistaad i galisee 2× Hogaamiyihii kalgacalkoow Calafku waa hayaanee Naga habee dhankaagoo Hab ku soo dheh caashaqa 2×
Queue is empty
-- / --