VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ladanow - Lyrics

Ladanoow Ladanoow jacaylkaaga Laasimay naftaydoo Sida looxa alifkiyo Khadka loogu dhigaybaa Ana la igu kaa ladhay 2× Lahashada naftaydiyo Lacdankii kalgacalkaan Aawadaa u lumayaa 2× Aynu noqono labadii Isku laabahaadee Aynu noqono labadii Isku laabahaadee Hela libanta guurkee Liibaanta wada hela Liibaanta wada hela Liibaanta wada hela 2× Ladanoow Adunyada lab iyo dhidig Looga maarmi waayee Laba laba isugu xidha Anigana lur iyo ciil Lahwi igu abuurtee 2× Lalabaha kalgaclkiyo Laxawgii jacaylkaan Liqi waayayoon oonta 2× Aynu noqono labadii Isku laabahaadee Aynu noqono labadii Isku laabahaadee Hela libanta guurkee Liibaanta wada hela Liibaanta wada hela Liibaanta wada hela 3×
Queue is empty
-- / --