VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caaliya - Lyrics

gugoo curtay onkod ciyaay a cirkoo da,ay ciida qooyay curdoon geed wada cagaara cawskoo baxay simay caleemo curubta laamaha is gaadhay carafta ubaxa is cabaaya hoobaan cas midho canuuna adaa quruxdaas la cayna adaa calmashada ku beeray dhamaan ciriqyada jidhkaygo waxa u ah ceesh naftayda caaliya waa daymadaada cadceed galab casar ka liiqday daruuruhu cirif ku aastay falaadhuhu midab casaana eegmada ku casuuna iyo cimilo wacan iyo dhul doogle induhu ay caashaqaane adaa curubyahay jacaylka caqligu ku asteeyay maankay adaa calmashada ku beeray dhamaan ciriqyada jidhkaygo waxa u ah ceesh naftayda caaliya waa daymadaada
Queue is empty
-- / --