VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dheeman - Lyrics

Mukhtaar: Sida dhayman iyo luul Dhaldhalaaka midabada indhaho ay la dhacayaan Ama dhugul hileelee Hasha oon haleelaan Dhowr caanahaydiyo Dhitada iyo kuruurkiyo Dhayada jiriwgeee Dhacda hilibka lagu helo Sida loogu dhaloolaa Dhaxda igu maratoo Adna igu dheertahay Ikraan: Sida faraska dhanbaaloo Qurux loo dhameeyiyo Dhayal ma'ahan socdkuyee Eebe orod ku dhaliyoo Kulkuu baala dheelamada Marka uu dhaqaaqoo Aan dhaxayn habeenoo Ciidna dhanbalayoo Dhoolo tus ku caan baxay Sida loogu dhaloolaa Dhaxda igu maratoo Adna igu dheertahay Mukhtaar: Qoraxdoo dhul qeebshaay Dhoolaha ka keentiyo Ubaxyo wada dhalaal badan Dhac ku sisay baalaha oo dhibicda roobkuna Udhaceeso aad Dhitada iyo karuurtiyo Dhayda iyo tiiradee Sida loogu dhaloolaa Dhaxda igu maratoo Adna igu dheertahay Ikraan : Dhaaxa roob ku heeroo Intuu dhibic biyaha rogay Dhiilkiina buuxaan Ka dhax biya rahhu d Dhalaankuna is gaaaru Markuu dharag la jiifsaday Dhalintuna ciyaaraha Jiitada isku dhiibtay Dhulkuna nab dooon yahay Sida loogu dhaloolaa Dhaxda igu maratoo Adna igu dheertahay
Queue is empty
-- / --