VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhabta miyaan ku saaraa - Lyrics

Ayada Dhiigiyo kalgacalkii ee xidida dhamaystira afka lagama dhawree ma ogtahay dharaarahan markan dhaban u seexdaba inaan kugu dhadhabayoo dhabteyda kaa dayoo hadii aad dhab doon tahay amba kuguma dhaafeen hawlaha dhankeygee dhinacaaga ila qabo Asiga Walaw dheylo aad tahay ee hadana dhaqankiyo dhaqashada ku wacan tahay dharaar aragti ma ogtahay caashaqan wax dheereen dhedo roob la moodo dhalanteed inuu yahay jacayl kii dhawaan gala dhaxal lagama gaadhee horta dhab kaa yahay waa inaan dhudhumiyaa Labadooda Imika dhudhumiyooo miyaan soo dhawaadaa awalba igama dheereyn dhabta miyaan ku saaraa dhibtan kula nacayaa bal hadaba dhalaan sidii dhabarkaaga igu qaad dhenged waan ka fududee Ayada Dhugmadiisu ruuxey ee u dhantahay ayuun buu dhibayaa xishoodkuye ma ogtahay dhigeyow dhamanaanka awgaa dariiqyada suuqyada dhar la’aan inaan maroo hadii aad dhab doon tahay amba kuguma dhaafeen hawlaha dhankeygee dhinacaaga ila qabo Asiga Qoton dheer qoyaaniyo ee dhex qotoma xareediyo dhabi baxay la moodyeey ma ogtahay dhaqsiinyuhu hadii lacag dhalayaan kaadsiiyuhu ma dhiciyee dahab baan ka dhuran laa jacayl kii dhawaan gala dhaxal lagama gaadhee horta dhab kaa yahay waa inaan dhudhumiyaa Labadooda Imika dhudhumiyooo miyaan soo dhawaadaa awalba igama dheereyn dhabta miyaan ku saaraa dhibtan kula nacayaa bal hadaba dhalaan sidii dhabarkaaga igu qaad dhenged waan ka fududee
Queue is empty
-- / --