VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naftaad qanicasay baa - Lyrics

oraxdoo Aroortii

Qoraxdoo aroortii qaybisay falaarahaa Ama qaanso roobaad daruur midab ku qarisay qeymaheedii leedee qof meyda lama amaanoo qalad looma heesee qureyshtii haweenkaay Naftaad qancisaybaa kuu qushuucdayoo wanaag kuu qireysee qabrigaa hortii qaradee bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Haddaan qiro runteydoo qotonshoo warkaygaa ruuxan kugu qiyaasoo kula qeyr dhigayaa kama qaadin indhahee sida roob qayoodoo saxansaxa qabow leh laabtayda qaadee Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo   Qufaalada jacaylkoo u qabiray naftaydaa ilamaad qalaynine waad ila qorshaysee iga saartay qoolkii qamandhacada dusheydiyo qamuunyadii i saarnayd ilamaad qaxootiyine Naftaad qancisaybaa kuu qushuucdayoo wanaag kuu qiraysee qabrigaa hortii qaradee bariin aad u qaboobiyo qaadirkay ha ku geeyo
Queue is empty
-- / --