VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Onkod - Lyrics

Onkod roobku madaayo aarna taaha madaayo anna taa ma ilaawoo jacayl ood rogan maayo oon hilaac bi in maayo ayro weerar madaayo ninlihi aamusi maaayo ergo geesi madiidoo ilaah tiisu ma oosho calaf la iska ma ooto ubax dayr ma qarsoomo godka lay iskuma aayo ifka la isu tudhaayee iilka la isma gar gargaroo aboor la iskama baajee nabsi hayga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Asaagay usha toosan iyo ooda hagaagsan hayiinkii asabaadee madigii afar deeqa inantiina ilwaadsan ee asluubi u dheer tahay sidaan u asteysto kuu eegana yaaye hadaan aamin idhaahdo waa aqoonta haweene oo rag iiga danbeeyo halka ay ka cawayso uur ku taalada maada arimidiisa jacaylka anigu soo dhaxli maayo nabsi hay iga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Sida oogta hilaaca ileyskeeda cadceeda amaantaada libaaxa malaa waanad ogeyne ayaan uurkiyo maanka wadnahayga agtiisa sida aayad ku taalaa uumiyaha u tusaayee haadii aanu ibleysku iga kaa anbineynin inaad ii tudhi weydo eegi maayo koley arin kuuma hambeynee araartii haku deeqdo sina hayga adkeysan nabsi hayga amaahan axdigii ina dhexyiiliyo ha iloobin aqoontee
Queue is empty
-- / --