VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidibaan Xabiibi - Lyrics

Xurmo iyo Sharaf Xilkas iyo Aqoon Xishood iyo midii Xayada u Dhalataay Anoon Xoolo hayn Xubi taan wadaagnee Caydh ila Xarootee Xaaskeygii Noqotaay Sidii baan Xabiibi Weli kuu Xaq dhawraa Sidii baan Xabiibi Xumaan kaa ilaashaa Sidii baad Xabiibi Xile iigu tahayoo Wali kuu Xushmeeyaa Xuural cayntii Xiisaha kalgacal iyadoon Xumayn Tii ila Xambaartaay Xulashadii Haweenkaay Xaqiiqdii waxaad tahay Xog~Ogaalka Noloshiyo Xaragadii Nafteydee Sidii baan Xabiibi Weli kuu Xaq dhawraa Sidii baan Xabiibi Xumaan kaa ilaashaa Sidii baad Xabiibi Xile iigu tahayoo Wali kuu Xushmeeyaa Xidigyahay adaa Xarago iyo Qurux Xasil iyo wanaag Xaakim kuugu Deeqoo Xaraga jidhkaagiyo Xubnahaaga Yaab kaleh Markaan soo Xasuustaan Nafta xiiso galisaa sidii baan Xabiibi weli kuu xaq Dhawraa sidii baan Xabiibi xumaan kaa ilaashaa sidii baad Xabiibi xile iigu tahayoo wali kuu Xushmeeyaa
Queue is empty
-- / --