VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nabdi - Lyrics

wuxuu nabdigaygu naruurada dookha si wayn ugu naaxay markaynu naf qaybsi ku wadaagnay nolosha waxaa nal u daaray qalbiga kuu nqaystay nasriga kalgacaylka nasiib ku lifaaqay nadarka indhahyga nuurkii u shidnaayoow naftayda naftaada nudbaa ugu yaala ka dhawr wax nugleeya hadaanu is nuujin nidarka u dhexeeya naflaha is jeclaaday ma waayo nagaansho nafaqeeya qalbiga waxaa niyadaydaa ku nasiibay raaxo natiijda guurka nimcadaa laga dheefee nadarka indhahyga nuurkii u shidnaayoow naftayda naftaada nudbaa ugu yaala ka dhawr wax nugleeya lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --