VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhameys dumar - Lyrics

waxaad tahay dhamays dumar dhaliil aan lahaynoo RABI kala dhantaaline naftan igu dhex nolee dhaawac inuu ku gaadhiyo dhibaan kaa ilaashaa dhiiiga haba jidhkaygiyo dhanka uu wadnuhu xigo adigaa u helay dhaxal kuma dhaafi karayee dhab jacayl iga hoo oo dhabtaada i saar dhabanad hilaaciyo quruxdaada dheehiyo xubnahaaga kala dhigan dhankastoona ka eegaba waad dhugasho wacanto dheemankaaga midabka ah dhaqankiyo asluubtana dumar lagugu dhararshoo kuu dhigan ma lahee
Queue is empty
-- / --