VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Galeyr - Lyrics

Ganadhyahay hugeediyo Garaadkeedu wacanyahay Midabkaagan gaarka ah Goray u eeg muuqa oo Guur doonayaan ahay Gayaankaana waan ahay Geeraarada kalgacalkiyo Gabayada ma garataa Goodkii shinbiro dila Isagoon garaabayn Ayuu gees u baydhaa Badiyaa galgalashada Gabayahaw u jeedada Adoon hadalka gees marin Galayr dumar miyaad tahay Bal gadaada ii sheeg Galad EEBE weeyee Laafyaha garaaraha Adigoon i gees marin Geedka miraha maad guran Gun dhig reerka ma u noqon Anigoon kuu gafayn adi Geenyo aanad goyn karin Gacan laguma dayo madhan Galayr ima taqaanide Inaad gaabsataa roon Kol kastoo aan joogaba Gadaal kuuma celiya Garan maayo waxaad gocan Gardarada u aabo ah Gacalooy ha fududaan Garasho iyo nasiibkay Garaadkaygu igu filan gooyaayo warkaagee Gadaal ha iigu soo noqon
Queue is empty
-- / --