VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyo - Lyrics

asaasbaa ii tahoo aduunyada waxa ku nool anigu hooyooy macaan adaan kuu jeclahay adaa uurkaaga iyo adhaxda igu qaadayoo isiiya horagaloo indhaha ii kala furee hooyoy iskool anigoo galin afkaan ku hadlaayayiyo akhlaaqda wanaagsaniyo adaabta adaa i baray hooyoy dhibta iga kaa soo martiyo abaalkaagana marnaba anigu maba gudi kare hooyoy macaaney allow janadii ku gee hooyoy ila saddex jeer ayaa aabaha ka xaqbadan tahoo adaa na huba ilmaha run ahaan dhashee intuu rag is laynayoo anaa reer hebel lawadaa adaa ceeb gelininoo agoon maan korinayee hooyoy amaan waxa kuugu filan udgoone nabiga oo ifkaba ugu khayr badnaa inaad adigu dhashay hooyoy aduunyada san ku joog adoon arag wax dhiba aakhiro goortaad tagtana adigiyo aababa allow janada gee aamiin
Queue is empty
-- / --