VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxbarasho - Lyrics

Arday yahay dadaaloo Dugsiyada waxbarashada Udareera oo taga Haka daahin waligaa Daya macalinkiinoo Diintiyo aqoontiyo Kaga dayda adaabtoo Anshaxiisaa door bida Doqon lagu qasaara Dib u qoomamaysee Ardayahay dadkiiniyo Waalidkiin ha diirsado Calankaa dushiiniyo Dalku waa idin sugayaa Umadaha aduunyada Inagaa udambaynee Da'yartii dhulkaygaw Doorkiinii weeyaan Darajiyo cilmiga badan Dagdag laguma gaadhee Abidkiin dulqaadiyo Samirbaad ku daraysaan Aan dayaxa gaadhnoon Diyaarado samaynee
Queue is empty
-- / --