VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waano - Lyrics

wakhtigu markuu kugu xumaado ku noqo mawlihii ku uumay balwadu waa buur dumaysee walaalkaygiyoow ka weeco waalidkeen ha wareerin warr xun alle naga xijaabye waligaa ha iska waalin walwal xumo ha isku beerin walaalkaygibaa tahee u weeco wadada illaahay wanaagiyo khayrka doono aduun waa waalalawe samada wadadiisa raadso iblayska warkiis ka weeco salaada u wayso qaado wanaagiyo samaha raaadso aduunyadu waa wakhtiye hadh iyo weeriyo banaan wad iyo malag baa jiree qof waaraya lama hayee adoon waanadayda qaadan intaad wacan tahay ka firso wanaagiyo samaha qaado walaalkaygibaa tahay kuwaan isku wiirsanaynin walwaalow iyo dhibaato ka weecdo inaan ahaano walaalkayoow saw ma fiicna inaad wehel ii ahaato u weeco wadada illaahay wanaagiyo khayrka doono aduun waa waalalawe samaha wadankiisa raadso iblayska warkiis ka weeco salaada u wayso qaado wanaagiyo samaha raaadso
Queue is empty
-- / --