VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yaa diidan - Lyrics

yaa diidan dawladnimadii yaa diidan isku duubnidii yaa dumshay yaa diirtay dalkaygii o dambigaa leh yaa dooxay duqaydii iyo dumarkii dabargooyay ubadkii waa su,aal da,wayne dagdag iiga jawaaba yaa diidan dawladnimadii yaa diidan isku duubnidii dulaankiyo af duubkiyo doonyaha bada yaa ka dambeeya hada yarkan wajiga duuban is dila yidhiyoo is miidaanka u diray yaa diidan dawladnimadii yaa diidan isku duubnidii dadku waa xigaaliyo dir walaalaa isku diina yaa dab kala dhex dhigay yaa dagare doc waliba xuduud daraniyo daah kala dhex dhigay
Queue is empty
-- / --