Heesta Barni - Lyrics
Bari iyo Nugaal baa
Baabuur uraacoo
gabar baaddi doonkeed
Baryo aan ujoogee
Boholyoowga caashaqu
bixinba xiisaha
Iga baana leeyahay
bogtadiisu wayneed
Iska daa baxnaaniyo
Baaddi doonkii waa lumay
Haddaan balo xijaabtoo
burdahii alkaahfiyo
Bisinka aan ku weenahay
Barni waan is heleenaa
Bidhaanteeda quruxdiyo
Bilicdeeda nuurka leh
lagu mood bil dhalatoo
baxar maayo hoostiis
beer nugeelka caashaqu
badbadkiyo dabeeylaha
iiga badbaadi leeyahy
Nabsi looma beeree
Iska daa baxnaaniyo
Baaddi doonkii waa lumay
Haddaan balo xijaabtoo
burdahii alkaahfiyo
Bisinka aan ku weenahay
Barni waan is heleenaa