VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Arligeygow - Lyrics

hadii aanan dabayl urin awood ma le naftaydu markaan uurka hooyaday ifka uga soo baxay anigoon anfaca baran neecawdiisa uduga leh kii igu anqariyow arligaygow inaan kuu adeegoon aduunyada intaan jiro aayahaa ka taliyaan axdi kuugu marayaa arligaygoow ninka se kaa ordee kaa abaal dhacee adoonsiga la darisow sow ma oga horta sow ma oga hab looga hadhinaad tahay sow ma oga dhaxal awoowo inaad tahay sow ma oga isagu inuu ku leeyahay sow ma oga wax se ku uursamaataa arligaygoow irbid kaama ridi karo aqoon yare bulshadana ku eedoo udubkiyo dhigihiyo aloolka iyo haraartaba aqalkaan ka helayow hadaan dibada aado ajashu ii timaadana kii la ii soo anbinayee iilkay ku yaalow inaan kuu adeegoo aduunyada intaan jiro waajibkaaga oofshaan axdi kuuu maraya arligaygow
Queue is empty
-- / --