VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daryeel - Lyrics

jacaylkaan daryeeleen u dadaali jirayeen darxumo ka dhawree dayaca ka celin jirayee isaguna dushiisiyo duudka igu sidayee i daadahayn jirayee durba waqtiga iyo dantu iga fogaysee waxan is doonaba DAA'IM ma isu keen simay daali maayo calafkuye DAA'IM haduu keenay dadaalkaan samayniyo dulaadbaan ku gaadhnee aan dalxiisno wada wada dakayno aan is daawanee jacaylkaan dadkoo idil isaguun ka doortee yaradkii i dagaybaa i damqaaya maantee jacaylkii dagaalkiyo dakharo igu gaadheen difaaciisa awgiiyee anigoon dabaal baran doonida u korayee dagtaye badwayntii dirqi kaga badbaadee
Queue is empty
-- / --