VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhadhamada ninkaa jeceloow - Lyrics

dhadhamada ninkii jecelow quud kama dhargayside quruxdiyo dhalaalkeedii markii aad dhamayseed ubaxeedii dhaxashee dhaliil dumar ha saarine dadnimada ha dhaawicin dhaqankana ha ceebaynine soomaali kama dhalan nimaan haween xaqdhawrayn waa dhigaa ruux aadmiya ah kow dhe waxna aanad dheerayne laba dhe ha dhibini ragbaa dhalayee gabdhaha laguma dheelee gobtaa laguma dheelee habeen dhexa ninka doortow dhaxal kuma helayside il xun gabadh ku dheehashada dhulkan lagama aqoonoo waxa maanta dhacayana kuma dhiiranaynine in gabdhaha la dhayalsado waa dhaqan qalaade soomaali kama dhalan nimaan dumar xaqdhawrine
Queue is empty
-- / --