VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ugbaad - Lyrics

jacayl aayatiinloo bishaariyo ugbaadloo aan u ololayoo uurkayga gubayaa u odorasayaaye jacayl anba qaadloo bilkhayriyo udgoonloo anuu ila xidhoo oogadayda gubayaa aan ardaa u waabee ubax iyo jacayl dhaba aflax nolosha kaan idhi eegmadiisa oo qudha kaan u oomanaa ALAA igu simoo abshir fadhaxle weeyaan axdiyo jacayl dhaba adeec nolosha taan idhi arageeda oo qudha ku ildoogsadaa calaftuu i siiyaa ALLE mahadii weeyaan aqal ila yagleeshoo ooridaadiiban ahee ii arami aduunyada ifka intaan ku noolahay kaa adkaysan maayoo kaama ooli karayee aqal ila yagleeshoo saygaagii baan ahee aayahaygii naftaydaay ilwaad qurux wanaageey ii dhago nulow oo aqbal keen ahaw abid
Queue is empty
-- / --