VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waqti - Lyrics

Waqtigu inoo cajiib yahay Maxbuus ciilan baa garan Qiimo Cuudka leeyahay Sabool ceer ah baa garan Laxaad caafimaad qaba Curyaan heetiyaa garan Dhalaan iyo caruurnimo Duq ciroobay baa garan Adna camal haboonoo Inaa tahay nin caaqil ah Iyo Hanad cod kar ahoo Geesinimo ku caan baxay Cindigayga laabtee Dad ba kaa calmadayoo naf ku caashaqdaa garan Gugu inoo cudoon yahay Cid jilaal helaa garan in colaadu halis tahay Nin cadw qabta garan Aayadaha cilmiga sida Caalimkii dhigta garan Waalid iyo canaantii Agoon ciirsi baa garan Adna camal haboonoo Inaa tahay nin caaqil ah Iyo Hanad cod kar ahoo Geesinimo ku caan baxay Cindigayga laabtee Dad ba kaa calmadayoo naf ku caashaqdaa garan
Queue is empty
-- / --