VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caloolyow - Lyrics

Cabashiyo caloolyow ciil kaama biiyaan Talo cayn wareegtana la iskuma canaantee caqligiyo hubsiinaa cidhib looga aayaa cidna eersan maaye Jacayl waa cadaawoo cidi kaama qaadee dawo lay cabsiiyiyo cashar waan ka quustee waxa cunaha dhaafiyo cunto waan ilaawoo cidna eersan maayee Sida ciyowga caydhaan casarkii dhawaaqaa ama cawsha duurkaan cidlada u wareegaa ciirsi la'aan is dhigay iyo culuuf aan geystoo cidna eersan maayee Cawo iyo ayaankuba calaf eebe weeye cisigiyo wanaagana lama celin karaayee ciirsi la'aan is dhigay iyo culuuf aan geystoo cidna eersan maayee Lyrics by Abdulahi Hasan
Queue is empty
-- / --