VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guur - Lyrics

Ganbalayda dumar Gacalooy adigaa iga gaar ahee Waan kuu go'oo Guur ma fadhiyi Galab gooniyoo Kuu gaar ah baa ii goosatee. Waxa aad gashaa Nafsiga gudaa amba kuu garteee Gardara iyo xumaan Gacalooy adigaan Kuu gaysatayee. Waan kuu gafee Iga aargudoo Nafta iga gooy Galab gooniyoo Kuu gaar ah baa ii gooysatee. Waxa aad gashaa Nafsiga gudaa ama kuu garteee Ha igayn golaf Waxa iga gudataa Igu gubi karee Yaan gan dhawaan Godka aaqiro Kula roorayee Galab gooniyoo Kuu gaar ah baa ii gooysatee. Waxa aad gashaa Nafsiga gudaa ama kuu garteee
Queue is empty
-- / --