VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Muxiba - Lyrics

Maalintaad baxeysee
magaalada ka dhoofta
muxubo kuu jaleeco

Miyirkan lahaa iyo
maankii ku raacee

Inta intad igala maqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya

Meel aan dhaweyn
baa iga muuqaneysaa

Yaa madi ahaninee
marwadan jeclaayee
kala maarmi meynee
mar nabad ku soo noqo

Magacaga inanta leh
marka loogu yeeree
maqlaan soo hinqanaya

Mudadeydu badana
muuqaagu dheeraa

Inta intad igala maqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya

mugdigana habeenadan
ila sii madoobaa

Yaa madi ahaninee
marwadan jeclaayee
kala maarmi meynee
mar nabad ku soo noqo

Queue is empty
-- / --