Quick links

codkii Kaskey heesta Siraadeey   Dajiso 120.5K Keedka:

Fikradaada ka dhiibo heestan

Siraadeey lyrics

Ma ogtahay Siraadeey
caashaqii na siraayee
sahalka eynu moodnee
ina saaqay barigee

Lyrics by Masuul.com

Inuu soo kordhaayo
sidyo dabeyliyo
soo kiciye ceeryaamo

Oo xaley saqdi dhexe
hurdadii ka salaloo
soo toose dhowr jeer

Safaad ma leh jaceylkuye
waan sidaaye ila qabo
soo dhawow ila qabo
oo ha igu siideyn

Ma ogtahay siraadeey
Somaaliyo idil
uma sidatid quruxdee
habla kula simana jira

Oonan saa u eeginee
waa su’aal kaliga
aan kaga sahansadayee

sababtuna waxey tahay
sambabadiyo beerkiyo
wadnaha iga surantahay

Safaad ma leh jaceylkuye
waan sidaaye ila qabo
soo dhawow ila qabo
oo ha igu siideyn