VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Canabey - Lyrics

Cudud weeye caashaqu Caawinaada jeceloo Cabashada u ciirnee 2× Marna cadaw weeye halisoo Caradiisu wadatoo Oo cidi canaadin 2× Codsigayga canabeey Marna ha igu celininee Codsigayga canabeey Marna ha igu celininee Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cimis siigo galisaa Ku caleemo saaree Cudurkaan i helaayo I cadaadinaaye Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cimis siigo galisaa Ku caleemo saaree Casri waliba caashaqu Waa doog caleenloo Ubax caynba caynlee 2× Marna cosob helay jiilaa Cayayaanka cunaaya Oo cidi canaadin 2× Codsigayga canabeey Marna ha igu celininee Codsigayga canabeey Marna ha igu celininee Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cimis siigo galisaa Ku caleemo saaree Cudurkaan i helaayo I cadaadinaaye Cudurkaan i helaayo I canaananaaye Cimis siigo galisaa Ku caleemo saaree
Queue is empty
-- / --