VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Afka lagamasheegto - Lyrics

Afka lagama sheegtoo adigoon jacayl arag looma uur xumaadee Aniguu i helayoo intuu soo abraaruu xadhig igu adkeeyee soowtan aramadiisii oofaha dhexdoodiyo adhaxduu i gooyee Kii igu abuureen u ilmeynayoow ha igu eegine ii imoow. Anfacadii ka go ayoo eedaadka caashaqa u adkeeysan waayee intuu igu itaalsadey iimana tudhaayoo anfariir ka qaade sow tan alhumadiisii igu sii fideeysee aan ka jiifsan waayee. Kii igu abuureen u ilmeynayoow ha igu eegine ii imoow.
Queue is empty
-- / --